Mas’uuliyiinta hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, ayaa kulan isbarasho ah la qaatay ganacsatada kala duwan ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale uu kulankan ujeedkiisu daarnaa siddii mas’uuliyiintu ay ganacsatada xog-waran uga siin lahaayeen hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, waxyaabaha ay qabanayso iyo weli ba kaalinta ay ka qaadanayso horumarinta ganacsiga, ilaalinta tayada iyo bad-qabka bii’add iyo noolaha.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, ayaa waxa ka soo qeyb-galay madaxda Rugta Ganacsatada, Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhowkra Soomaaliyeed Md. Aadan Xasan Barre (Aadan Cadde), Maareeye ku xigeenka hay’adda Md.Caydaruus Macalin Xasan Ganacsatada iyo mas’uuliyiin kale.
Mas’uuliyiinta hay’adda, ayaa halkaas ka soo jeediyey war-bixinno la xidhiidha waxyaabahii u qabsoomay muddadii ay jireen, sida ay u shaqeynayaan iyo weli ba faham fiican oo ay ka siiyeen guud ahaan waxa ay u taagan tahay hay’addu iyada oo sidoo kale na ay halkaas kaga jawaabeen su’aalahii kala duwanaa ee ganacsatadu ka waydiisay hay’adda iyo shaqadeeda ba.