Kaabeyaasha Tayada( Quality infrastructure)

Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed waxay soo gabagabeysay tababar ku saabsan Kaabeyaasha Tayada( Quality infrastructure) oo loo qabtay shaqaalaha Hay’adda. Tababarkaan waxaa bixinayey Dr. Joel KIOKO oo ahaa Agaasimihii hore ee Hay’adda Tayo-dhawrka Kenya (Kenya Bureau of standards) lehna Khibrad 40 sano ku dhaw dhinaca Tayo-dhawrka.

Tababarka oo socday muddo todobaad ah waxay shaqaalaha Hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed ku barteen mawduucyada kala ah : Jaangooyada (Standards) cabbirada(metrology) Aqoonsiga (Accreditation) iyo hubinta tayada (Conformity assessment).

Tababarradaan ayaa noqon doona kuwo si isdabajoog ah loogu qaban doono shaqaalaha Hay’adda si kor loogu qaado aqoontooda la xiriirta Tayo-dhawrka.