Kiilo sonkor ah marka aad iibsaneyso maxaad ka fiirisaa? Muuqaalka? oo ah madabka sonkorta? Waxyaabaha ku dhex jira iyo saafinimadeeda? Culeysky ma u dhigmaa Kiilo? Mar walba waxaa aad maskaxda ku haysaa lacagta aad bixinayso ma u qalantaa waxa aad iibsaneyso, waa falsafadda ka danbeysa cabirada. Diinta Islaamku waxaa ay ka digtay in aan miisaanka la nusqaamin , oo iibsaduhu helo xaq u dhigma lacagta uu bixiyey.
20 bisha May, sannad walba waxaa la xusaa maalinta cabirrada aduunka ( World Metrology Day), sannadkaan waxaa hal ku dhag u ah Cabirrada iyo xilligaan casriga ah “ Metrology in Digital Era” doorashada sannadkaan ee hal ku dhaggaan waxay ku timid maadaama; kacaanka teknolojiyadu uu yahay mid maraya halka ugu sareysa, door muuqdana ay cabiradu ku leeyihiin teknolojyada.
Cabiradu waxaa ay qayb weyn ka yihiin horumarka iyo hal-abuurka dunida, iyo ganacsiga caalamiga ah, in uu helo cadaalad, sidoo waxaa ay kaalin mug leh ku leeyihiin teknolojiyada, oo aysan la’aanteed shaqeyn karin, waxaa intaas u dheer in ay door muhiim ah ka yihiin badqabka bulshada guud ahaan.
147 sano ayaa laga joogaa markii 17 dal oo dunida ka kala socday ay isugu yimaadeen Shirkii Metre kaas oo lagu dajinayey in dunidu ka wadashaqeyso cilmiga cabirada ee warshadaha, ganacsiga iyo u isticmaalka arrimaha bulshada. Ilaa maanta, cabirku waxaa uu leeyahay mudnaantiisa.
Soomaaliya oo ka maqneyd saaxada cabirada caalamka ayaa dib ugu soo noqoatay kadib dhismaha Hay’adda Taya-dhawrka Soomaaliya ( SoBS) oo dadaal badan ugu jirta soo celinta kaalinta cabirada ee dalka ka maqan.
Hay’adda Taya-dhawrka Soomaaliyeed waxaa ay leedahay waaxda Cabirada, oo u taagan soo nooleynta xiriirada caalamiga ah Hay’adaha ka shaqeeya cabirada iyo sidoo kale isticmaalka cabiro sax ah dalka gudihiisa.